Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Muhaajiriin ay Soomaali ka mid tahay oo xeebaha Giriiga lagu daadiyay

Muhaajiriin ay Soomaali ka mid tahay oo xeebaha Giriiga lagu daadiyay

Wararka ka imaanaya dlaka Gariiga ayaa waxay sheegayaan in dad Muhaajiriin ah oo ay Soomaali ka mid yihiin lagu daadiyay Jasiiradaha dalkaas halkaasna ay dhibaatooyin kala kulmeen.
Booliska dekedda jasiiradda Giriigga ee Lesvos ayaa sheegay inay soo badbaadiyay 27qof oo muhaajiriin Soomaali ka mid tahay kadib markii doontii ay kaga yimaadeen Turkiga laga daadiyay.
Midka mid ah muhaajiriinta ayaa dhintay markii doon ka timid Turkiga ay ku daadisay koox ka kooban 27 qof xeebta fog ee jasiiradda Lesvos subaxnimadii hore ee Talaadada sida wararku sheegayaan
Qofka dhintay waxaa la sheegay inuu ahaa qof Soomaali ah oo la sheegay inuu u geeriyooday qabowga daran ee halkaas ka jira awgiis.
Muhaajiriinta oo badankood ay ahaayeen Soomaali ayaa kasoo shiraacday xeebaha Turkiga kahor inta aysan tegin xeebaha bariga Lesvos, halkaasoo ay ku hoydeen, sida uu sheegay sarkaal booliska Gariiga ka tirsan.
Jasiiraddaha Griiga, oo ay ku jiraan Lesvos, waa meelo ka mid ah marinnada laga galo Yurub ee ay adeegsadaan dadka ka soo cararaya dagaallada iyo saboolnimada ku haysata wadamadooda qaaradaha Africa oo Soomaalidu ay ka mid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments