KeNHA oo sheegtay in la xalliyey ciriirigii waddada Bura-Hola

0
436

Maamulka qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee dalka ee KeNHA ayaa dadweynaha ku wargeliyay in hadda uu caadi yahay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee waddada xiriirisa Madogo – Bura iyo Hola ee ismaamulka Tana River ee (B89) Road.
Waddadaasi ayaa horay u go’day ka dib roobab da’ay.
Maamulkan ayaa dhammaan safarleeyda iyo dadka waddadaasi adeegsado uga mahadceliyay dulqaadkii ay muujiyeen intii lala tacaalayay cilladaasi.
KeNHA ayaa qoraalkeeda ku soo gabagabeysay in ay ka go’an tahay isku xir habsami leh, xaqiijinta badqabka iyo shacabka in aynan ku dhibaatoon waddooyinka.