Xildhibaan Babu Owino oo digniin u diray madaxweynaha Tanzania

0
401

Xildhibaanka deegaanka Bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi Paul Ongili Owino oo ku magacdheer Babu Owino ayaa madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Xasan ugu baaqay in ay aad uga fikirto xaaladda waddankaasi ka dib shaqaaqooyinkii dhacay ee la xiriiray doorashada.
Waxaa uu bayaan ku sheegay in bandowgii la soo rogay iyo xayiraaddii dhanka intarneetka ay keliya xaaladda ka sii dhigi karaan mid cakiran.
Babu Owino ayaa xusay in haddii aan la qaadin tallaabo degdeg ah , inay suurtagal tahay in Tanzania ay gacanta u gasho kelitalisnimo militari.
Bayaanka xildhibaanka waxaa ku cad in loo baahan yahay in la eego daafaha qaaradda oo casharro laga barto qaramada fududeystay dimuqraadiyadda oo u gudbay diktateernimo.
Wuxuu madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Xasan uga digay in ay is-laheysiiso hoggaanka.
Xildhibaanka Bariga Embakasi Babu Owino ayaa madaxda Afrika ka codsaday inay mudnaanta siiyaan danaha iyo xurriyadaha shacabkooda marka loo barbardhigo hammigooda siyaasadeed.