DHEGEYSO:Midowga Afrika oo u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Tanzania

0
243

Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee (AUC) Mahmoud Ali Youssouf ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha dalka Tanzania Samia Suluhu Xasan oo shalay lagu dhawaaqay in ay ku soo baxday doorashadii guud ee waddankaasi ka dhacday 29-kii bishii hore.
Waxaa uu dadweynaha Tanzania ku bogaadiyey in ay si nabad oo dimuqraadi ah codkooda ku dhiibteen.
Guddoomiyaha ayaa dhanka kale ku baaqay ilaalinta xuquuqul aadanaha ka dib markii la soo tabiyey shaqaaqooyin la xiriiray codeynta.
Mahmoud Ali Youssouf ayaa ka qoomameeyay dadka lagu dilay rabshadaha intii ay dibadbaxyadu socdeen wuxuuna tacsi u diray qoysaska ay arrintaasi si gaar ah u saameysay.
Bayaanka guddoomiyaha waxaa ku cad in Midowga Afrika uu xaqiijinaya sida ay uga go’an tahay taageeridda dadka iyo dowladda dalka Tanzania si loo ilaaliyo nabad galyada, wadajirka qaran iyo dimuqraadiyadda.
Waxaa uu ku celceliyay baahida loo qabo ilaalinta xurriyadaha aasaasiga ah sida isku imaatinka dadweynaha iyo in ay dareenkooda muujiyaan.
Waxaa uu maamullada Tanzania ku boorriyey in ay xuquuqdan ilaaliyaan si waafaqsan xeerarka qaran iyo kuwa caalamiga ah.
Midowga Afrika ayaa dhammaan shacabka Tanzania kula taliyey in ay xurriyadahooda u adeegsadaan si nabad oo xilkasnimo leh.

Waxaa hambalyo tani la mid ah diray madaxweynaha dalka Burundi Évariste Ndayishimiye, dhiggiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweyne Ndayishimiye ayaa guul u rajeeyay Samia Suluhu wuxuuna xusay in Tanzania iyo Burundi ay sii wadi doonaan in ay si dhow iskaga kaashadaan horumarka ay wadaagaan.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhankiisa xusay in guusha Samia ay muujinaysa kalsoonida dadweynaha Tanzania wuxuuna intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay daneynaysa sii xoojinta xiriirka walaaltinnimo, nabadda iyo baraaraha gobolka.
Madaxweyne Samia Suluhu Xasan oo Tanzania hoggaaminaysay tan iyo 2021-kii ka dib geeridii John Magufuli ayaa ka dib markii shalay lagu wareejiyay shahaadaha caddeynaysa in ay tartanka ku soo baxday waxay cambaareysay shaqaaqooyinkii dalkaasi ka dhacay.