Xildhibaanka Nyali oo beeniyay inuu taageeraya musharraxnimada Cabdulswamad

0
200

Xildhibaanka laga soo doortay deegaan baarlamaneedka Nyali ee ismaamulka Mombasa Maxamad Cali ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu ka tanaasulay hammigiisi ku adanaa in sanadka 2027-da uu u tartamo xilka barasaabnimo ee dowlad deegaankaasi oo uu garab siinaya guddoomiyaha hadda xilka haya Cabdulswamad Shariif Naasir.
Waxaa uu warbixinnadaasi ku tilmaamay dacaayad been abuur ah oo la doonaya in lagu marin habaabiyo dadweynaha.
Waxaa uu dhaliilay waxqabadka barasaabka Mombasa isagoo qoraal ku xusay in wada sheekeysiga keliya dhex mari karo uu yahay sidii uu mas’uulkan xafiiska u banneyn lahaa.