DHEGEYSO:Madaxweynaha dalka oo furay isbitaalka Butere

0
502

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto oo maanta gaaray ismaamulka Kakamega ayaa si rasmi ah u furay isbitaalka deegaan baarlamaneedka Butere.
Waxaa uu shaaciyey in isbitaalkaasi uu qaadaya ilaa 124 ah sariiraha bukaannada.
Ruto ayaa tallaabadaasi ku tilmaamay isbeddel wayn oo u soo hooyday shacabka Butere iyo si guud gobolka Galbeedka.
Waxaa uu intaasi ku daray in 150 milyan oo shilin oo dheeraad ah lagu maalgelin doono qalabeynta iyo sare u qaadidda heerka xaruntaasi caafimaad si looga helo daryeel tayo leh.
Hoggaamiyaha qaranka ayaa xusay in isbeddel geesinnimo ku dheehan lagu sameynaya maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA.
Ujeeddada laga leeyahay isbeddelkan ayuu ku sheegay in helidda daawooyinka oo hadda ah boqolkiiba 68 in ugu dambeyn la gaarsiiyo boqolkiiba boqol.

Waxaa uu sidoo kale ka hadlay mashaariicda dhanka waddooyinka iyo gaadiidka ee halkaasi laga hirgelinaya.
Madaxweynaha ayaa sheegay inuu soo jeediyay in dowladda sare iyo baarlamaanka ay ka wada arrinsadaan in la aasaaso sanduuqa qaran ee kaabayaasha oo lagu maalgelinaya ilaa 1.5 bilyan oo shilin.

Dhanka kale ,Qaar ka mid ah shacabka ku nool deegaan baarlamaneedka Butere ayaa dareenkooda la wadaagay warbaahinta.