Oburu Odinga oo su’aal geliyay sababta in ka badan 500 oo shaqaale shaqada looga ceyriyay

0
409

Senator-ka laga soo doortay dowlad deegaanka Siaya Dr Oburu Odinga ayaa soo farageliyay ismarin waaga shaqaalaha caafimaadka ismaamulka iyo guddiga adeegga dadweynaha ee dowladda Siaya ka dib markii in ka badan 500 oo shaqaale lagala laabtay warqadaha shaqalaysiinta.
Fadhigii ugu horeeyay ee uu aqalka Senate-ka yeesho tan iyo markii uu walaalkiis geeriyooday Dr. Odinga ayaa ka dalbaday warbixin ku saabsan arrintan guddiga joogtada ah ee aqalka Senate-ka u qaabilsan shaqada iyo daryeelka bulshada.
Sida laga soo xigtay senator-ka shaqaalaha ay dhibaatada saameysay ayaa waxaa lagu shaqalaysiiyay hannaan daah furan iyaga oo muddo bilo ah shaqayay mushaar la’aan.
Si kastaba ha ahaatee, sheegashada senator-ka ayaa ka hor imanaysaa warbixin uu bishii September soo saaray madaxa fullinta ee guddiga adeegga dadweynaha ee ismaamulka Wilfred Nyagudi.
Nyagudi ayaa waqtigaas sheegay in shaqa ceyinta ballaaran ay timid ka dib markii ay is waafaqi waayeen warqadaha tixraaca ee shaqaalaha.
Kulan uu guddiga la yeeshay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta dowladda Siaya ayaa lagu wargeliyay in 120 shaqaale oo kaliya la rumeysan yahay inay warqadahooda saxan yihiin.
Inta soo hartay ayaa laga codsaday inaysan soo haadirin shaqada iyadhoo arrimaha ku saabsan musharaadkooda aan la cadayn.
Si kastaba ha ahaatee, Dr Odinga ayaa sheegay in shaqaalaha ay shaqaynayeen laga bilaabo bishii Janaayo ee sanadkan 2025-ka illa Agoosto ee isla sanadkan ka dib markii ay dhamaysteen tababarkii caafimaad.
Senator-ka ayaa dalabkiisa waxaa uu ugu baaqay guddiga shaqada iyo daryeelka bulshada ee golaha guurtida inay baaritaan ku sameyaan oo ay sharaxaad ka bixiyaan sida ay ku dhacday shaqaalaysiinta aan caadiga ahayn ee lagu eedeeyay.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay guddiga inay faahfaahin ka bixiyaan xaalada 580 shaqaale lagu qoray boosaskii la xayeysiiyay inay bannaan yihiin balse ay ugu dambeen shaqada ka ceyriyeen guddiga adeegga dadweynaha ee dowlad deeganka.