Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Booliska Puntland oo looga digay inay ku Milmaan Siyaasada

DHAGEYSO:Booliska Puntland oo looga digay inay ku Milmaan Siyaasada

Taliyaha Ciidamada Booliska Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa uga digay guud ahaan Ciidamada inay ku milmaan siyaasadda, xilli deegaanada Maamulka Puntland ay ka socdaan diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka Golaha degaannada Maamulkaasi.
Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Janeraal Cabdi Xasan Xuseen ayaa sheegay in Ururada siyaasadda ay u siman yihiin Booliska, isla markaana aysan ka aqbaleyn Ciidamada inay Urur gaar ah u hiiliyaan ama ku biiraan, taasina ay mamnuuc ka tahay.
Sidoo kale Taliyaha Xusay in Puntland ay diyaarisay Ciidamo qaatay tababar gaar ah oo ku saabsan ilaalinta degaanka si uusan u dhicin nabaad guur, isla markaana loo dhaqan geliyo Amaradii kasoo baxay Wasaaradda degaanka iyo isbedelka Cimilada Puntland.
Ugu dambeyn Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Janeraal Cabdi Xasan Xuseen waxaa uu sheegay in Puntland sidoo kale ay mamnuucday Gawaarida aan taargooyinka laheyn,Gawaari qaarkood oo ay leeyihiin Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland la qab qabtay,wuxuuna sidoo kale ka hadlay Gawaarida Muraayadaha madow oo uu sheegay inay doodoodu socoto.

Warkaan kasoo baxay Taliska Ciidamada Booliska Puntland ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli dhawaan Puntland ay qorsheyneyso in doorashada soo socota ay noqoto mid lagu galayo Xisbiyo, sidoo kalena dhamaan degmooyinka & Gobolada Puntland loo sameeynayo Gole degaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments