Nathiif Jaamac oo ku baaqay in la qaado tallaabo degdeg ah iyadoo 33,000 oo qoys ay wajahayaan gaajo

0
241

Ismaamulka Gaarisa ayaa la daalaa dhacaya abaar ka sii daraysa oo tobanaan kun oo qoys ay ku dibaataysan yihiin inay helaan cunto iyo biyo.
Iyadhoo arrintan laga jawabaayo ayuu barasaabka dowlad deegaankaas Nathiif Jaamac waxaa uu Isniintii isugu yeeray gole ay ku midaysan yihiin daneeyayaasha gurmadka degdegga ah si loo qeexo faragelinta degdegga ah.
Isagoo ka hadlayay kulanka ka dib, Guddoomiye Nathiif ayaa ka digay in xaaladda ay aad u xun tahay waxaa uuna ku baaqay jawaab midaysan oo isku xiran oo ka timid dhammaan heerarka dowladda iyo la howlgalayaasha horumarinta.
Sida laga soo xigtay Cabdinoor Dubow oo Isuduwaha ismaamulka Garissa ee Hay’adda Qaran ee Maareynta Abaaraha (NDMA), in ka badan 33,000 oo qoys ayaa halis ugu jira gaajo.
Guddoomiye Nathif ayaa sawir xun ka bixiyay dhibaatada, isagoo xusay in 18 ka mid ah 30-ka waaxood ay ee degmada ay gaajo ba’an la soo deristay.
Ka dib kulanka, Madaxa Biyaha ee dowladda hoose ee Gaarisa Maxamed Sugow ayaa ku dhawaaqay go’aanno badan oo ay soo saareen kooxda ka jawaab celinta abaarta ee ismaamulka si loo yareeyo bulshooyinka ay saameeyeen.
Qorshaha waxaa ka mid ah in la geeyo gawaarida biyaha qaado si ay biyo u gaarsiiyaan 200 oo ka mid ah degsiimooyinka ugu daran ee ay saameysay. Dowladda ismaamulka ayaa waxaa ay bixin doontaa siddeed baabuur, halka NDMA ay laba ku dari doonto hindisaha gurmadka biyo dhaaminta ah, kaas oo la filayo inuu si degdeg ah u bilowdo.
Si loo hubiyo hirgelinta wax ku oolka ah, dhammaan howlaha wax ka qabashada abaarta ayaa waxaa isku dubaridi doona maamul hoosaadyada iyadoo ay kormeerayaan ku xigeennada guddoomiyaha ammaanka dowladda dhexe ku matalo ismaamulka.
Guddiga ayaa waxaa uu sidoo kale mudnaanta siiyay dayactirka ceelasha iyo gawaarida si loo xoojiyo helitaanka biyaha iyo qaybinta dadka iyo xoolaha labadaba.
Guddoomiye Nathif ayaa waxaa uu ka codsaday dowladda qaranka iyo ururada samafalka inay helaan taageero dheeraad ah si looga hortago khasaaro dheeraad ah oo soo gaara dadka.
Ku xigeenka guddoomiyaha amniga dowladda dhexe ku matalo Gaarisa Sabastian Okiring ayaa dhankiisa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo jawaab degdeg ah oo si wanaagsan la isku dubariday, isagoo xusay in xaaladda ay aad u daran tahay.
Waxaa uu sidoo kale ku baaqay in si degdeg ah Guddiga Hilibka Kenya uu uga qayb qaato jawaab celinta iyada oo loo marayo NDMA si loo bilaabo barnaamij xoolaha looga iibsanaayo beeralayda si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha abaarta ba’an.