Roobab mahiigaan ah iyo dabaylo xoogan ayaa la filayaa inay ka da’aan xeebaha Kenya iyo Tanzania

0
458

Kenyaanka ku nool gobolka xeebta ayaa heegan sare la geliyay ka dib markii Waaxda Saadaasha Hawada ee dalka ay calaamadisay nidaam cadaadis hooseeya oo daciif ah, kaas oo keeni kara roobab culus iyo dabeylo xooggan maalmaha soo socda.
Digniin ay soo saartay Axadda maanta ah, Waaxda Saadasha Hawada ayaa shaaca ka qaaday inay si dhow ula socoto duufaanta kulaylaha ee Chenge, oo si tartiib tartiib ah ugu socota Badweynta Hindiya.
Duufaanta ayaa la filayaa marka ay soo gaarto xeebaha Kenya iyo Tanzania, inay keeni doonto hirar sare, dabaylo xooggan, iyo roob badan.
Si wax ku ool ah ayaa waxaa looga digay dadka deggan ismaamullada xeebaha sida Mombasa, Kilifi, Lamu iyo Malindi inay u diyaar garoobaan roobab culus iyo dabeylo xooggan oo ka badan 25 knots.