Trump oo canshuuraha Canada ku dari doono boqolkiiba 10 ka dib xayeysiintii been abuurka

0
363

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in boqolkiiba 10 canshuuro dheeraad ah lagu soo rogi doono badeecadaha Canada sababo la xiriira xayeysiis muran dhalisay oo ka dhan ah canshuurta oo uu ka hadlay madaxweynihii hore ee Mareykanka Ronald Reagan.
Ku dhawaaqista Sabtida ayaa timid laba maalmood ka dib markii Trump uu joojiyay dhammaan wadahadalladii ganacsi ee uu la lahaa Canada sababo la xiriira waxa uu ugu yeeray olole “been abuur ah” oo ay hormuud ka eheed dowladda hoose ee Ontario.
Raa’iisul Wasaaraha gobolka Ontario Doug Ford ayaa Jimcihii sheegay inuu joojin doono xayeysiinta dhammaadka isbuuca si wadahadallada ganacsiga ay dib ugu bilaabmaan.
Dowladda Canada ayaan weli ka hadlin ku dhawaaqista Trump ee canshuuraha dheeraadka ah.
Illa hadda ma cado badeecadaha ay canshuurtan saameyn doonto maadaama inta badan badeecadaha Canada ee loo soo dhoofiyo Mareykanka ay ka baxsan yihiin canshuuraha iyaga oo hoos imaanaya heshiiska Mareykanka, Mexico iyo Canada (USMCA), kaas oo la saxiixay markii Trump ugu horeysay madaxtinimada.