NCIC oo digniin u dirtay siyaasiyiinta

0
353

Guddoomiyaha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC Samuel Kobia ayaa bayaan uu soo saaray waxaa uu ku cambaareeyay hadalkii uu dhawaan jeediyay barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga.
NCIC ayaa sheegtay in hadalkaasi uu ahaa mid aan laga fiirsan waxayna siyaasiyiintya uga digtay jeedinta hadallada ku saleysan naceybka.
Guddiga ayaa xusay inuu billaabay geeddisocod loogu yeeraya barasaabka Nyeri si su’aallo looga waydiiyo hadalkiisi gudaha Kenya ka abuuray falcelinta ballaaran.