Booliiska Uganda ayaa sheegay in 46 qof ay geeriyoodeen ka dib markii uu shil baabuur ka dhacay mid ka mid ah waddooyinka ugu mashquulka badan ee dalkaas.
Waxaa ay dib u eegis ku sameeyeen tiradii hore ee 63-da qof, iyagoo sheegay inay si khalad ah ugu dareen dad miir beelay balse aan geeriyoonin.
Shilka ayaa dhacay markii labo bas oo ku socdaalayay jihooyin iska soo horjeeda ay “isku dhaceen” iyaga oo isku dayaya in ay dhaafaan laba gaari oo kale.
Saraakiisha ammaanka Uganda ayaa intaa ku daray in dadka dhaawacmay iyo kuwa dhintay ay sidoo kale ku jiraan dad waddada iska maraayay.
Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaallo ku yaalla galbeedka magaalada Kiryandongo.
Bayaan ay soo saareen ayay booliiska waxaa ay ku sheegeen inay la shaqeynayaan adeegyada caafimaadka iyo kuwa degdegga ah si loo xaqiijiyo tirada iyo bixinta warar sax ah iyadoo ay socdaan baaritaannada lagu hayo sababta ka dambeeysay shilka.
Afhayeenka booliiska gobolka Julius Hakiiza ayaa shilkan ku macneeyay xowliga baabuurta iyo kuwa isku daya inay si khaldan ku daafaan baabuurta ka horeysa.
Shilka ka dib, booliiska ayaa waxaa ay ku booriyeen wadayaasha baabuurta inay ka fogaadaan “khatarta iyo taxadar la’aanta”.