Mutahi Kahiga oo iska casilay xilka ku xigeenka guddoomiyaha CoG raali geline bixiyay

0
206

Barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga ayaa iska casilay xilkii gudoomiye ku xigeenka golaha barasaabyada (CoG) ka dib markii si weyn loogu dhaliilay hadal uu ka jeediyay xaflad aas oo ka dhacday tuulada uu ka soo jeeday, isagoo tilmaamay in geerida raa’iisal wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ay khalkhal galisay qorshayaal siyaasadeed oo la sheegay in lagu wiiqayay gobolka Mt Kenya.
Bayaan uu soo saaray Arbacada maanta ah ayuu Kahiga waxaa uu raaligelin siiyay qoyska Raila Odinga, xubnaha xisbiga ODM, bulshada Luo, hoggaamiyeyaasha siyaasadda, iyo guud ahaan Kenyaanka.
Waxaa uu xusay in hadalkiisa uu ka yimid aragti shaqsi ah oo aan loogu talagalin in uu matalo beel, xisbi siyaasadeed ama golaha guddoomiyaasha.
Dhanka kale guddoomiyaha CoG ahna barasaabka laga soo doortey dowlad deegaanka Wajeer ayaa shirka ka sheegay inay yeelan doonaan kulan kale oo lagu dooranaayo ku xigeenkiisa cusub.