Maamullada gobolka Victoria ee dalka Australia ayaa sheegaya in aan la hubin in xayiraadda lagu xakameynaya faafidda cudurka COVID19 la soo afjari doono toddobaadkan gudihiisa.
Waxaa uu qorshuhu ahaa in xayiraadda dhanka isku socodka ee la soo rogay 27-kii bishii hore la qaado habeenka ay Jimcada soo galayso.
Waxaa maanta gobolkaasi oo ah midka labaad ee ay ku nool yihiin shacabka ugu tirada badan laga xaqiijiyay 9 xaaladood oo cusub oo corona ah.
Boqolkiiba 70 xaaladaha cudurka ee ilaa iyo hadda laga diiwaangeliyay Australia waxaa laga helay gobolka Victoria.