Amnesty International oo walaac ka muujisay kiisaska caburinta mucaaradka ee Tanzania

0
530

Hay’adda xuquuqul insaanka ee Amnesty International ayaa Isniintii dhalleecaysay “xadgudubyada habaysan ee xuquuqda aadanaha” ee Tanzania ee ay fuliyaan mas’uuliyiinta, kuwaas oo la sheegay inay sii kordhayaan ka hor doorashooyinka madaxtinimo ee la filaayo in dalkaas ay ka dhacaan 29-ka bishan.
Madaxweynaha hadda ee Tanzania Samia Suluuxu Xasan ayaa markii hore lagu ammaanay fududaynta xannibaadaha uu saaray hoggaamiyihii iyada ka horreeyay ee John Pombe Magufuli, balse iyada oo doonaysa in dib loo doorto 29-ka bishan ayaa waxaa ay dhaleecayn xooggan kala kulantay mucaaradka iyo hay’adaha aan dowliga eheen ee xuquuqda aadanaha.
Intii u dhaxaysay Janaayo 2024 iyo Oktoobar 2025, hay’adda Amnesty ayaa waxaa ay diiwaangelisay xadgudubyo baahsan sida “afduub, jirdilka iyo dilalka sharci darrada ah ee mucaaradka iyo dhaqdhaqaaqayaasha xuquuqda aadanaha”.
Warbixinta Amnesty ee ay dib u eegis ku samaysay wakaalada wararka ee AFP ayaa lagu saleeyay waraysiyo lala yeeshay 43 qof oo ay ku jiraan markhaatiyo, dhibanayaal, qaraabada dhibanayaasha, xubno ka tirsan ururada aan dowliga ahayn iyo qareeno, iyada oo ay weheliso falanqaynta sawirada iyo daabacadaha.
Bishii September 2024-kii, sarkaal sare oo ka tirsan xisbiga ugu weyn mucaaradka Chadema, Cali Maxamed Kibao ayaa la afduubay oo maalmo ka dib la helay meydkiisa.
Safiirkii hore ee dalkaas u fadhiyay Cuba, Humphrey Hesron Polepole, oo isna ahaa nin dhaleeceeya dowladda ayaa la waayay bishan.
Agaasimaha gobolka ee Amnesty ee bariga iyo koonfurta Afrika, Tigere Chagutah, ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in mas’uuliyiinta Tanzania ” ay sare u qaadeen xakameyntooda goobaha rayidka ah iyo xaqa ay u leeyihiin inay si xor ah uga qaybgalaan doorashooyinka iyaga oo meel marinaya sharci aad u khaldan.”
Xisbiga Chadema ayaa laga saaray doorashada ka dib markii uu diiday inuu saxiixo xeerka anshaxa doorashada.
Hoggaamiyaha Chadema Tundu Lissu, oo la xiray bishii April ee sanadkan, ayaa lagu soo oogay dacwad qiyaano qaran, eedeymahaas oo lagu mutaysan karo ciqaab dil ah.
Luhaga Mpina, oo u sharaxan xisbiga saddexaad ee ugu weyn Tanzania ee Isbahaysiga Isbedelka iyo Hufnaanta (ACT Wazalendo) ayaa laga mamnuucay inuu ka qayb qaato doorashooyinka bishan.