2 qof oo ku dhimatay shil diyaaradeed oo ka dhacay Taita Taveta

0
414

Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay dhinteen labo qof ka dib markii galinkii dambe ee shalay ay diyaarad ku burburtay aagga buurta Vuria ee ismaamulka Taita Taveta gobolka xeebta.
Diyaaraddan ayaa ka duushay garoonka Wilson Airport ee Nairobi waxayna ku wajahnayd Mombasa.
Shilka ayaa dhacay abaare 7-dii iyo barka fiidnimo ee xalay.
Dhacdadan ayaa imaanaysa ka dib markii dhawaan mid kale oo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga gaysay ismaamulka Siaya ay burburtay.