Madaxweynaha dalka Senegal, Bassirou Diomaye Faye, ayaa soo gaaray dalka Kenya, isagoo ka soo kicitimay Kigali, si uu uga qeyb galo maalinta halyeeyada ee Mashujaa Day oo maanta loo dabaaldagayo, isagoo ahaan doono marti sharaf uu casuumay Madaxweyne William Ruto.
Tani waxay noqonaysaa booqashadii ugu horreysay ee Faye uu ku imaado Kenya tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.
Faye ayaa yimid iyadoo Kenya ay sagootin u sameyneysay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Raila Odinga, oo Axadii shalay aas qaran loogu sameeyay Bondo, iyadoo si heersare ah loo soo agaasimay, waxaana loo riday 17-qori oo ay ku sharfayeen ciidamada Difaaca Kenya (KDF).
Inta uu ku guda jiro booqashadiisa, Faye waxa uu kulamo laba geesood ah kula yeelan doonaa Aqalka Madaxtooyada ee Nairobi Madaxweyne Ruto, oo ay diiradda ku saari doonaan xoojinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha Afrika ee ka dhexeeya labada dal.
Dabaaldegga Maalinta Mashujaa ayaa ka dhici doona sidii loo qorsheeyay garoonka Ithookwe Stadium ee deegaanka Kitui, taas oo muujinaysa isu soo dhawaanshaha qaran ee milicsiga iyo wadajirka qaaradda.
Afhayeenka dowladda Isaac Mwaura ayaa ku booriyay shacabka Kenyaanka ah inay si weyn isugu soo baxaan, isagoo sheegay in maalintan ay sidoo kale xusi doonto ra’iisul wasaarihii hore ee Raila Odinga.