Waxaa maanta magaalada Bondo ee dowlad deegaanka Siaya si rasmi ah loogu aasi doonaa Raa’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Raila oo horaantii bishan u safray dalka dibadiisa si looo soo daaweeyo ayaa Arbacadii la soo daafay ku geeriyooday dalka Hindiya.
Iyada oo la raacaayo dardaarankiisii ahaa in lagu aaso muddo 72 saacadood ka dib dimashadiisa ayaa dalka la keenay Khamistii si loogu sameeyo baroordiiq qaran Jimcihii la soo daafay iyadhoo dadweynaha la siiyay fursad ay ku macsalameyaan hoggaamiyihii hore ee xisbiga ODM.
Xalay ayaa si rasmi ah loo geeyay gurigiisa magaalada Bondo iyada oo la filaayo in maanta loo qabto aas qaran taasoo ka dhici doonto Jaamacada Jaramogi Oginga Odinga ka dibna lagu aaso qabuuraha Kang’o ka Jaramogi ee lagu aaso xubnaha qoyska Raa’iisul wasaare Odinga.




