Boqolaal qof oo baroor diiqayaal ahaa ayaa ku dhaawacmay kadib markii dad badan ay isugu soo baxeen garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Kisumu xili ay goob fagaare ah ku daawanayeen Ra’isulwasaarihii hore ee dalka Kenya Raila Odinga.
Dhowr qof ayaa ku miyir beelay sababo la xariirta daal iyo murugo ay dareemeen iyadoo kooxaha Laanqeyrta Cas ee Kenya ay bixiyeen gargaar degdeg ah.
Waxaa ayna sido kale daad gureeyeen dadkii ku dhaawacmay dhacdadan xili isbuurasho laga dareemaya Mamboleo Grounds ee Kisumu.
Ciidamo badan ayaa la geeyay garoonka Mamboleo ee Kisumu si ay u sugaan ammaanka ,iyadoo dad badan ay soo buuxdhaafiyeen goobta uu yaalo Raila Odinga.
Berri oo axad ah ayaa lagu aasi doona deegaanka Bondo ee ismaamulka Siaya.
Dad kooban oo qoyskiisa ah iyo Mas’uuliyiinta dalka ayaa loo ogolaaday inay goobjoog u noqdaan aaskiisa si looga fogaado rabshado.




