Maamulka maareeya garoomada diyaaradaha dalka ee KAA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in si ku meel gaar ah loo hakiyey howlaha gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.
Amarkan oo shaqeynayay labo saacadood ayaa dhaqan galay abaare 10:26 ee barqonnimo sida ku cad war-saxaafadeedka sii hayaha xilka agaasimaha guud ama madaxa fulinta ee KAA Dr. Maxamuud Geedi.
Waxaa uu tallaabadaasi ku tilmaamay mid lagu sameynayay xaqiijin amni ka dib markii abbaare 9:40 subaxnimo ee maanta ay soo caga-dhigatay diyaaraddii sidday meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga oo ku geeriyooday waddanka India.
Dad aad u tiro badan oo baroordiiqayay ayaa gaaray meelo xaddidan oo ka mid ah garoonka taasi oo keentay in maamulka KAA uu soo saaro amar degdeg ah.
Waxaa uu xusay in mudnaanta ugu sarreysa ay siinayaan xaqiijinta badqabka rakaabka , shaqaalaha iyo dhammaan dadka isticmaala garoonka.
Dr. Maxamuud ayaa raalligelin ka bixiyay saameyn kasta oo ka dhalata xirnaanshaha muddada kooban ee garoonka JKIA wuxuuna ku taliyay in cid kasta oo uu duullimaad u qorsheysnaa ay la xiriirto shirkadaha duullimaadka.