Sirdoonka Maraykanka oo howlgal ka sameynaya Venezuela

0
190

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in maamulkiisa uu ansixiyey in laanta sirdoonka ee (CIA) ay howlgallo ka fuliso waddanka Venezuela.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay ka baaran degayaan in sidoo kale gudaha dalkaasi laga sameeyo howlgal militari oo dhanka dhulka ah.
Tani ayaa sare u sii qaadeysa xiisadda u dhexeysa labada dhinac ka dib duqeymo dhowr ah oo toddobaadyadii ugu dambeeyay uu Maraykanka ku bartilmaameedsaday doomo laga leeyahay Venezuela.