Senatarka ismaamulka Siaya Oburu Odinga ayaa loo soo xushay inuu si ku meel gaar ah u sii hayo xilkii uu banneeyay walalkii Raila Odinga oo geeriyooday oo ahaa madaxa xisbiga ODM.
Go’aankan ayaa laga soo saaray shir uu saaka yeeshay guddiga qaran ee fulinta ee (NEC) ee xisbiga.
Barasaabka ismaamulka Mombasa ahna hoggaamiye ku xigeenka odm Cabdulswamad Shariif Naasir ayaa arrinkan shaaca ka qaaday.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in mas’uuliyiinta sare ee xisbiga ay yeesheen kal-fadhi gaar ah oo lagu xusuusanayay noloshii Raila Amolo Odinga.
Waxaa uu caddeeyay in la isku afgartay in Oburu Odinga uu sii hoggaamiyo ODM ilaa inta go’aan dambe laga gaaraya.
Barasaabka ayaa intaasi ku daray in xisbiga ODM uu sii ahaan doono mid mideysan , awood leh, ay hagaan mabaadi’ida cadaaladda , sinnaanta iyo rabitaanka shacabka.