Qiyaastii 7.5 milyan oo kenyaan ah oo qabo xanuunnada dhanka aragga ee laga hor tagi karo

0
942

Warbixin lagu eegayey qiimaha aragga ayaa lagu sheegay in qiyaastii 7.5 milyan oo qof oo kenyaan ah ay qabaan xanuunnada aragga ee laga hor tagi karo.
Waxaa daraasaadkan iska kaashaday Wakaaladda Caalamiga ee ka hor tagga arag la’aanta ee (IAPB) iyo shirkadaha tabarucaadda ee kala ah Seva Foundation iyo The Fred Hollows Foundation.
Hay’adahan ayaa sheegay in haddii ay dowladda Kenya daryeelka dhanka indhaha ay ku bixiso 3.3 bilyan oo shilin in si wayn loo yareyn karo tirada dadka ee araggooda lumiya.