Ku xigeenka madaxweynaha dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa saaka ka ambabaxay waddanka.
Waxaa uu ku sugan yahay dalka Uganda oo uu uga qayb gelaya u dabbaal degga sanadguuradii 63-aad ee ka soo wareegatay xilligii uu dalkaasi qaatay madax bannaanida.
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu Kindiki ku xusay in munaasabadda dabbaal degga ay ka dhacaysa fagaaraha Kololo Ceremonial Grounds ee magaalada Kampala.
Waxaa uu halkaasi ku matalaya madaxweynaha dalka Dr. William Ruto.