Macallimiinta Nyeri iyo Murang’a oo dalbaday gunnooyinka caafimaadka

0
204

Macallimiinta ka howlgalo ismaamullada Nyeri iyo Murang’a ayaa dowladda ka dalbaday in ay dib u soo celiso gunnooyinkoodii dhanka caafimaadka haddii si buuxda loo dhaqangeliyo qorshaha loogu wareegay sanduuqa caymiska caafimaadka bulshada ee SHIF.
Arrintan ayay ka sheegeen shir jaraaid oo ay ku qabteen dowlad deegaanka Nyeri.
Macallimiinta ayaa walaac ka muujiyay in ay saameyn ku imaan doonto helidda daryeel caafimaad oo tayo leh.
Waxay sheegeen in haddii dib loo soo celiyo gunnaddii caafimaadka ay u fududaan doonto in ay daryeel wanaagsan ka helaan isbitaallada sida gaarka ah loo leeyahay.
Antony Gitonga oo ka mid ah bareyaasha ayaa xusay in hadda macallimiinta haweenka ah ay caqabado kala kulmaan helidda daaweyn khaas ah.