Madaxweynaha dalka oo la kulmay hoggaamiyaasha COMESA

0
208

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa xalay kulan casho-sharaf ah la qaatay hoggaamiyaasha dalalka ku mideysan Suuqa Bariga iyo Koonfurta qaaradda Afrika ee (COMESA).
Waxaa mas’uuliyiintan ka mid ahaa madaxweynaha dalka Comoros Azali Assoumani ,Emmerson Mnangagwa (madaxweynaha Zimbabwe), Ra’iisul Wasaaraha Eswatini Russell Mmiso Dlamini , dhiggiisa Masar Mustafa Madbouly, guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da Mahmoud Cali Youssouf iyo Xoghayaha Guud ee COMESA Chileshe Mpundu Kapwepwe.
Waxaa uu qoraal ku xusay in loo dabbaal degaya sanadguuradii 30-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii dalladdan isagoo COMESA ku tilmaamay urur goboleed xoojiyey isdhexgalka.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay ku faanayaan safarka adkeysiga iyo iskaashiga ee ballaariyey suuqyada , fursadaha abuuray oo sare u qaaday wadajirka lagula tacaalo caqabadaha.
Madaxweynaha dalka ayaa hoosta ka xarriiqay in shirweynaha 24-aad ee hoggaamiyaasha waddamada xubnaha ka ah suuqa COMESA looga arrinsan doono baahida loo qabo wajiga xiga ee isbeddelka dhanka tiknolojiyadda casriga ah ee qaaradda Afrika.
Shirkan ayaa maanta lagu qabanaya xarunta kulamada caalamifa ee KICC ee magaalada Nairobi.