Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray magaalada Kismaayo ee xaruunta maamulka Jubbaland.
Waxaa madaxweynaha iyo wafdigiisa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamad Islaam Axmed Madoobe.
Safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh maanta ku tagay Kismaayo ayaa la xariira dadaalo lagu doonayo in lagu xoojiyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland oo dhowrkii sano ee u dambeeysay xiriirkoodu ahaa mid aad xun.
Madaxweynaha ayaa magaalada Kismaayo kulamo fool ka fool ah kula qaadan doono madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, waxana la filaya in kulamadaan wax badan ka badali doonaan khilaaf siyaasadeedka u dhaxeeya Dowladda Fedaraalka iyo Jubbaland ee marar kala duwan sababay dagaalo geystay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.