DHAGEYSO:Dowlada Soomaaliya oo faahfaahisay saamaynta dhaqaalaha dalka ku yimid

0
689

Wasiir ku Xigeenka Wasaarada Dhaqaalaha dowlada Soomaaliya Cabdulaahi Sh Cali Qaloocow Soomaaliya ayaa isagoo Faahfaahin ka Bixiyay Xaalada dhaqaalaha dalka Soomaaliya wuxuuna Hoosta ka Xariiqay in Horumarinta dhaqaalaha ay Tahay wax ka wada dhexeeya umada Soomaaliyeed oo aysan kaliya wasaaraddu ka masuul ahayn.
Wasiir Qaloocow ayaa sheegay inay Jiraan caqabado badan oo dhaqaalaha dalka ku gudban taasoo uu Tilmaamay in loo baahan yahay in Xal loo helo.

Dhanka kale Wasiiru dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumada Fedraalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay gacan weyn ka geestaan horumarinta dhaqaalaha dalka.
Wuxuu sheegay in Maalgashiga Ganacsatada iyo iskaashiga kala dhexeeya dowlada ay tahay Jihada ugu wanaagsan ee dalka dhaqaalihiisa lagu hormarinkaro.