Madaxweyne William Ruto ayaa difaacay go’aankii maamulkiisa ee ahaa in barnaamijka Linda Mama uu ku beddelo hindisaha Linda Jamii, isagoo meesha ka saaray dhaleecayn uga timid madaxweynihii isaga ka horreeyay Uhuru Kenyatta oo ahaa in dowladda ay meesha ka saarayso guulihii hore loo gaaray.
Ruto ayaa waxaa uu xusay in Linda Jamii ay balaarisay daryeelka caafimaad ee dhaafsiisan adeegyada hooyada si ay u daboosho qoyska oo dhan taas oo qayb ka ah dadaalka lagu doonayo in lagu gaaro caymis caafimaad oo caalami ah.
Madaxweynaha ayaa intaa ku daray in xirmada cusub ee hoos timaada Maamulka Caafimaadka Bulshada (SHA) ay si toos ah uga soo qaadaneyso casharradii nidaamka xilligii Jubilee.
Ruto ayaa waxaa uu sheegay in nidaamka cusub aanu kaliya kordhin dheefaha balse uu laba laabay lacagaha la bixiyo, oo hadda u dhexeeya 10,000 iyo 30,000 oo shillinka dalka ah.
Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya maalmo kadib markii Uhuru uu qalad ku tilmaamay baabi’inta barnaamijka Linda Mama, isagoo ku eedeeyay maamulka Kenya Kwanza inay ka tanaasuleen siyaasado la xaqiijiyay oo u shaqeynayay Kenyaanka.
Ruto ayaa ka hadlay Jaamacadda Umma ee ku taal ismaamulka Kajiado halkaas oo uu xariga ka jaray dhismaha Dr Cabdulrahman Al-Sumait Complex oo ah dhisme ka kooban 10 dabaq oo loogu talagalay in loogu adeego in ka badan 10,000 oo arday, waxaana ku baxaya lacag dhan 1.4 bilyan oo shillin.