Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inay dhawaan Xukuumadda u gudbiyaan Magacyada xubnaha ku jira Guddigii lagu muransanaa ee labada heer ee doorashooyinka dalka oo horey cabasho looga soo gudbiyay.
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Liiska xubnaha ay gudbin doonaan Musharaxiinta ay gaarayaan labaatameeyo ruux oo xubno ka ah Guddiyada doorashada eek al hore la Magacaabay kuwasoo lagu eedeeyay inay yihiin shaqaalaha dowladda iyo Hay’ada Nabadsugida ka tirsan.
Guddiga Musharaxiinta u qaabilsanaa turxaan bixinta Xubnahaan oo shalay ku shiray Hotelka Jazeera ee Magaalada Muqdisho ayay Wararku sheegayaan inay isku waafaqeen tirada iyo xubnaha ay tahay in laga saaro Guddiga, iyagoo laga doonayo inay caddeymo u keenaan.
Sidoo kale Guddiga heerka Wasiir ee Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble u saaray xaqiijinta caddeymaha xubnahan cabashada laga keenay ayaa la wareegi doona liiskaas, iyagoona bilaabaya kala saarka xubnaha Guddiga doorashooyinka ee doodu ka taagan tahay.
Guddiga heerka Wasiir ee shalay uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo tala bixin doona cabashada laga keenay xubnaha ku jira Guddigii labada heer ee doorashooyinka dalka, iyagoona la wadaagi doona Ra’iisul Wasaare Rooble.
Home Wararka Soomaaliya Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo lagu wado in loo Gudbiyo Xubnaha lagu Muransan yahay...