Madaxweynaha dalka Iiraan Xasan Ruuxaani ayaa shaqo joojin ku sameeyay madaxii bangiga dhexe ee wadankaas Cabdulnaasir Hemmati.
Mas’uulkan ayaa ka mid ah musharaxiinta xilka madaxtinimo.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Iiraan ay doorasho guud ka dhacdo 18-ka bisha lixaad ee sanadkan.
Madaxweyne Ruuxaani ayaa warbaahinta u sheegay in Hemmati uu aqbalay tallaabada xilka looga qaaday si uu fursad buuxda ugu helo loolanka siyaasadeed.