Macron oo ku hanjabay inuu ciidamadiisa kala baxaya Mali

0
519

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa wacad ku maray in ciidamada dalkaasi kaga sugan Mali uu halkaasi ka saari doono.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo sagaal bilood gudahood wadanka Mali uu ka dhacay afgembigii labaad.
Faransiiska waxaa galbeedka qaaradda Afrika kaga sugan ilaa 5,100 oo qayb ka ah howlgalka loogu magacdaray Barkhane.
Howlgalkan ayaa ka jiro 5 dal oo kala ah Burkina Faso, Chad, Mali, Mauritania iyo Niger.
Sanadkii 2013-kii ayay ahayd markii la aasaaay howlgalka nabadsugidda xilligaas oo uu madaxweynihii hore ee Faransiiska François Hollande isku dayay inuu dowladda Mali garab ku siiyo sidii ay isaga caabin lahayd dagaalayahaano qabsaday qaybo ka mid ah wadankaas.