Ugu yaraan 48 qof oo lagu dilay weerar ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Qaza

0
613

Ugu yaraan 48 qof ayaa lagu dilay guud ahaan Qaza maanta weerarrada ay Israa’iil ka fulisay magaaladaas halka saddex qof ay u dhinteen gaajo iyo masiibo nafaqo darro oo ay Israa’iil ku qasabtay gobolka go’doonsan.
Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Luxembourg Luc Frieden ayaa sheegay in wadankiisa uu ku biiri doono dhowr waddan oo kale oo reer Yurub ah kuwaas oo qorsheynaya in ay aqoonsadaan dowlad Falastiiniyiin ah inta lagu guda jiro shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay dhamaadka bishaan.