Trump oo ciidamada Ilaalada Qaranka geeyay magaalada Memphis

0
388

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ciidamada ilaalada qaran geyn doonaa magaalada Memphis ee gobolka Tennessee si ay wax uga qabtaan dambiyada uu sheegay inay ku soo badanayaan magaalada inkastoo booliiska gobolka ay sheegeen in dambiyada Memphis ay hoos u dhaceen 25-kii sano ee u dhambeeyay.
Trump ayaa ku dhawaaqay tallabada amarka fulinta Isniintii si uu Memphis uga takhaluso waxa uu ugu yeeray “heerarka dambiyada rabshadaha wata ee ka awood roonaaday awooddii dowladeeda hoose ee ah inay si wax ku ool ah uga jawaabto”.
Amarka Trump ayaa taageero ka helay barasaabka xisbiga Jamhuuriga ee gobolka Tennessee Bill Lee, kaasoo Trump kula kulmay Aqalka Cad kahor ku dhawaaqista amarka madaxweynaha.