Maxaa ka soo baxay shirkii Dowladaha Carabta iyo Islaamka ee ka dhacay Doha?

0
393

Hoggaamiyeyaasha Dowladaha Carabta iyo Islaamka ayaa Isniintii ku kulmay caasimadda Qatar, iyagoo si wadajir ah u cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil bishan ku qaadday magaalada Dooxa. Shirkan oo uu guddoomiyay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, ayaa lagu sheegay weerarkaasi mid ku xadgudbaya madax bannaanida Qatar iyo sharciyada caalamiga ah.
Bayaan ay soo saareen hoggaamiyeyaasha ayaa lagu caddeeyay taageero buuxda oo ay la garab taagan yihiin Qatar. Waxaa ay ku tilmaameen duqeyntii 9-kii bishan September mid lagu bartilmaameedsaday guryo, dugsiyo iyo xarumo diblomaasiyadeed, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana lagu wiiqayay kaalinta Qatar ee dhexdhexaadinta colaadda ka taagan Marinka Qaza.
Shirka ayaa uga digay beesha caalamka in aamusnaanta iyo la’aanta isla xisaabtan ay dhiirrigelisay Israa’iil. Hoggaamiyeyaasha ayaa waxaa ay ku eedeeyeen Israa’iil dambiyo dagaal, go’doomin iyo barakicin qasab ah, iyagoo sheegay in arrintaasi ay khatar ku tahay nabadda gobolka iyo dunida oo dhan.
Waxaa kale oo ay cadeeyeen in taageerada Qatar aysan ahayn kaliya difaac dal, balse ay tahay difaac guud oo u taagan dhammaan dalalka Carabta iyo Islaamka.
Bayaanka ayaa waxaa lagu adkeeyay muhiimadda xal laba dowladood ah oo Falastiiniyiinta siinaya dal madax bannaan oo caasimaddiisa ay tahay Bariga Qudus. Sidoo kale, waxaa lagu baaqay in Israa’iil lala xisaabtamo, hubkana laga joojiyo, iyadoo xataa la soo jeediyay in dib loo eego xubinnimada ay ku leedahay Qaramada Midoobay.
Ugu dambeyn, hoggaamiyeyaasha ayaa u mahadceliyay dalka Qatar martigelinta shirka iyo doorka ay ku mideyneyso dalalka Carabta iyo Islaamka, xilli gobolka uu wajaho xaalad dagaal iyo xiisado siyaasadeed oo sii kordhaya.