Gladys Wanga oo shaqada ka cayrisay shaqaale dowladeed oo lagu eedeeyay afduub iyo jirdil suxufi

0
188

Maamulka dowlad deegaanka Homa Bay ayaa shaaca ka qaaday in shaqada laga eryay sarkaal ka tirsan waaxda Human Resources oo lala xiriiriyay in uu ku lug lahaa afduub iyo jir dil loo geystay suxufi ka tirsan wargeyska People Daily.
Bayaan uu warbaahinta la wadaagay ayuu Madaxa Isgaarsiinta Dadweynaha ee Ismaamulka Homa Bay, Atieno Otieno, ayaa waxaa uu ku dhawaaqay in si deg deg ah shaqada looga eryay sarkaalkii u xilsarnaa Waaxda Waddooyinka, Gaadiidka, iyo Howlaha Guud.
Go’aankan ayaa daba socda eedeymo la xiriira ku lug lahaanshaha sarkaalka ee afduubka, weerarka, iyo cabsi gelinta saxafiga wargeyska People Daily, Habil Onyango, ee ku saabsan maqaal baaritaan oo lagu daabacay wargeyska.
Sida laga soo xigtay Maamulka Homa Bay, shaqa ka joojinta sarkaalka la sheegay ayaa ah hab raac heersare si loogu oggolaado baaritaan dhammaystiran, dhexdhexaad ah, oo aan caqabad ku ahayn eedeymaha.
Maamulka barasaab Gladys Wanga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dowlada ismaamulka ay dejin doonto siyaasad aan loo dulqaadan karin oo ku aadan ku takri falka xafiiska ee shaqaalaheeda iyo in sarkaal kasta oo lagu helo isagoo si khaldan u isticmaalaya xilkiisa si uu u sameeyo qalad uu la kulmi doono cawaaqib xun.