Suxufi lagu dhaawacay dowlad deegaanka Homa Bay

0
425

Suxufiga wax u qora wargayska People Daily ee ismaamulka Homa Bay, Habil Onyango, ayaa la tacaalaya xaaladiisa caafimaad ka dib markii ay qafaasheen oo ay garaaceen dad uu sheegay in uu garanayo.
Dadka deegaanka oo arrintani cambaareeyay ayaa dalbanaya in wax laga qabto dhibaateynta loo gaysanyo wariyaasha.
Sido kale waxaa ay ugu baaqeen barasaabka ismaamulkaas in uu wax ka qabto dhacdadan.
Laamaha ammaanka ayaa baaritaan ku wada falka lagula kacay suxufiga.