DHEGEYSO:Walaac laga muujiyay dhimashada nin ka mid ahaa shaqaalaha garoonka la dhisayo ee Talanta Nairobi

0
432

Meydka nin ka mid ahaa shaqaalaha dhismaha oo la la’aa muddo toddobaad ah ayaa laga helay garoonka ciyaaraha Talanta ee magaalada Nairobi, iyadoo su’aalo la iska weydiinayo geeridiisa .
Sammy Kyengo oo 35 jir ah ayaa 6-dii bishan Sebtembar la waayay iyadoo ay soo wargalisay xaaskiisa oo lagu magacaabo Christine.
Meydkiisa ayaa la helay isagoo dul sabbeynaya meel biyo ah oo ku taalla dhabarka dambe ee barxadda garoonka oo dhismihiisu socda.
Qaar ka mid ah shaqaalaha dhismaha garoonkaas iyo ehelkiisa ayaa walaac ka muujiyay sababtii keentay dhimashadiisa,iyadoo lagu tuhmayo in laga takhalusay.