Booliiska ismaamulka Kirinyaga ayaa xabsiga dhigay 7 qof oo looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin kooxaha burcada ee la rumeysan yahay in ay falal dambiyeedyo ka wadeen xaafadaha deegaanada Bariga Kirinyaga iyo Bariga Mwea.
War qoraal ah oo ka soo baxay Adeegga Qaran ee Booliiska NPS ayaa lagu sheegay in falkaasi uu dhacay 12-kii bishan September xilligaasi oo ay howlgal ballaaran ka sameeyeen labada deegaan.
Booliiska, ayaa intii uu baaritaanka socday waxaa ay ka heleen tuhmanayaashan oo ku dhuumaaleysanaya xaafadda Maisha Kamili ee magaalada Kutus.
Booliska ayaa sidoo kale howlgalka ku soo furtay agabka guryaha lagu jabsado iyo waliba mindiyo iyo baangado.
NPS ayaa sheegtay in shaqsiyaadkaasi loo kaxeeyay saldhigga booliiska si ay u sugaan in maxkamad la soo taago kadibna lagu soo oogo dacwad.
Booliiska ayaa dadweynaha ugu baaqay inay sii wadaan wadaagga macluumaadka ku saabsan dambiyada iyadhoo taas ay ka shaqeyn doonto la dagaallanka dambiyada ka dhaca gobolka.
Xariga eedeeysanayaasha ayaa yimid maalmo kadib markii magaalada Nairobi lagu xiray ugu yaraan 300 oo tuhmanayaal ah kuwaas oo lala xiriirinayo falal burcadnimo oo dhawaanahan ka dhacayay Xaruunta dhexe ee Ganacsiga ee (CBD).