Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu cunaqabateyn adag ku soo rogo Ruushka, balse waa haddii dalalka Nato ay buuxiyaan shuruudo gaar ah oo ay ka mid yihiin joojinta iibsashada saliidda Ruushka.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada ee Truth Social, Trump ayaa waxaa uu ku sheegay inuu “diyaar u yahay inuu soo rogo cunaqabatayn weyn oo ka dhan ah Ruushka” marka ay waddamada NATO “isku raacaan, oo ay bilaabaan, inay sameeyaan isla arrintaas.”
Trump ayaa marar badan hanjabaado culus u jeediyay xukuumadda Moscow, balse ilaa hadda wax tallaabo ah ma qaadin, xilli Kremlin-ka uu iska indhatiray waqtiyadii kama dambaysta ahaa iyo hanjabaadihiisa cunaqabataynta.
Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay in joojinta iibsiga tamarta Ruushka, oo ay la socoto canshuur culus oo la saaro Shiinaha, taasoo uu sheegay in “laga laaban doono gebi ahaanba marka dagaalku dhamaado,” ay noqon doonto “caawimaad weyn” oo lagu soo afjari karo colaadda.