Ruto oo taageeray in mushaaraadka macallimiinta dib loo eego labadii sanaba mar

0
372

Madaxweyne William Ruto ayaa aqbalay dalabka macallimiinta ee ah in muddada lagu qiimeeyo mushaharka iyo heshiiska shaqo laga dhigo laba sanaba halkii ay ka ahaan jirtay afar sano. Waxaa uu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada, Guddiga Adeegga Macallimiinta ee TSC iyo ururrada macallimiinta ay soo diyaariyaan talo rasmi ah oo ku saabsan muddada saxda ah ee heshiiska cusub.
Shirka oo lagu qabtay Aqalka Madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ka soo qayb galay 10,000 oo macallin, halkaas oo madaxweynaha uu ku ballanqaaday in macallimiinta la siin doono adeeg caafimaad oo ka wanaagsan kan hadda jira, isla markaana boqolkiiba 20 guryaha barnaamijka hoyga la awoodi karo loo qoondeeyo macallimiinta.
Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in miisaaniyadda waxbarashada kor loo qaaday saddexdii sano ee la soo dhaafay, iyadoo kumannaan macallin cusub la qaatay iyo fasallo cusub la dhisay si loo hagaajiyo heerka waxbarashada. Dowladda ayaa sidoo kale kordhisay dhaqaalaha lagu dallacsiiyo macallimiinta, si ay uga faa’iideystaan tiro badan oo muddo sugayey dallacsiin.