DHEGEYSO:Xildhibaanka Bariga Laikipia oo baaq u diray siyaasiyiinta Gobolka Bartamaha dalka

0
463

Xildhibaanka laga soo doorto bariga Laikipia Mwangi Kiunjuri ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha gobolka Mt Kenya inay joojiyaan aflagaadada iyo siyaasadaha isdiidan, isagoo ku booriyay inay diirada saaraan wax ka qabashada arimaha sida tooska ah u taabanaya muwaadiniinta.
Isagoo ka hadlayay laba xafladood oo lacag uruurin ah oo ka dhacay ismaamulka Nyandarua, Kiunjuri wuxuu carabka ku adkeeyay baahida loo qabo midnimada iyo hogaaminta horumarka ku dhisan.
Waxaa Munaasabadaas ku wehelinayay xildhibaanka galbeedka Laikipia Wachira Karani iyo dhigiisa Ol Kalou David Kiaraho.
Wuxuu ku baaqay in dulqaad la muujiyo, isagoo xusay in dowladdu ay u baahan tahay waqti ay ku fuliso ballanqaadkeeda.