Arday wax ka barta dugsi sare oo ku yaala Nyamira oo xalay dibadbax sameeyay

0
462

Ardayda dugsiga sare ee Nyakeore ee ismaamulka Nyamira ayaa fiidnimadii xalay waxa ay socod ku tageen xarunta wasaarada waxbarashada ee ismaamulkaas si ay uga mudaaharaadaan xil wareejinta lagu sameeyay maamulahooda oo lagu magacaabo Ken Kerage
Ardaydan oo ka soo baxay xayndaabka dugsiga, ayaa sitay boorar iyo erayo ay ku dalbanayeen in wasaaradda waxbarashadu ay ka noqoto go’aanka meel kale loogu wareejinayo macallinkooda.
Goob joogayaal ayaa sheegay in mudaaharaadku uu bilowday wax yar ka dib markii warka ku saabsan wareejinta macalinka uu ku faafay dugsiga oo dhan, taasoo caro ka dhex dhalisay ardaydii wax baraneysay oo maamulahooda Kerage ku ammaanay waxa ay ku tilmaameen “hoggaan wax beddelaya.”
Mas’uuliyiinta Dowlad deegaanka Nyamira ayaa lagu qasbay in ay soo farageliyaan waxyaabaha ay tabanayaan ardayda.
Ciidadamo Booliis ah ayaa la geeyay skuulka si ay u soo celiyaan xasiloonida iyadoo saraakiisha waxbarashada laga doonayo inay faragalin ku sameeyaan arrinta ardayda oo ay ka hortagaan xaalad kale oo rabshad abuuri karta.