Madaxweyne Ruto oo ku baaqay in la taagero ajendaha dowladda

0
400

Madaxweynaha dalkani Kenya William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay gaari doonto maqaamka dal horumaray haddii dhammaan shacabka Kenyaanka ay iska kaashadaan taageeridda ajendaha wax ka beddelaya dalka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Kenya ay muddo dheer taagneyd lana doonayo inaasaageeda ay ka hormarto.
Waxaa uu intaas ku daray in Kenya ay awood aad u weyn leedahay haddii isbaddel lagu sameeyo si ay uga faa’iideystaan dhammaan dadka Kenyaanka ah.
Waxa uu sheegay in go’aannada ay dowladdu qaadatay ee ku aaddan hirgelinta guryaha iyo barnaamijyada daryeelka caafimaadka oo ay ka mid yihiin barnaamijyada kale ee wax-ka-beddelka ah ay wax badan ka beddeli doonaan dalka.
Isagoo khudbad u jeedinayay wafdi ka kooban hoggaamiyeyaal ka tirsan Ismaamulka Murang’a, , ayuu madaxweynuhu sheegay inay muhiim tahay in waddanku uu ka shaqeeyo sidii uu u gaari lahaa adduunka kale ee hormaray 20-ka sano ee soo socda.