Midowga Afrika oo cambaareeyay weerar shacab loogu gaystay DRC

0
867

Midowga Afrika ee AU-da ayaa cambaareeyay weerar lagu dilay 71 qof oo shacab ah oo ka dhacay gobolka North Kivu ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ee DRC.
Falkan ayaa lala xiriiriyay fallaagada (ADF) ee ka dagaallanta dalkaasi.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika Maxamoud Cali Youssouf ayaa weerarka ku tilmaamay mid wuxushnimo ah.
Wuxuu bayaan ku sheegay inuu sidoo kale cambaareynaya shaqaaqooyinka soo noqnoqday ee lagu bartilmaameedsanaya rayidka ku nool bariga DRC.
Guddoomiyaha ayaa xusay in dhacdooyinkan ay xadgudub culus ku yihiin xeerarka caalamiga iyo xuquuqul aadanaha.
Wuxuu dalbaday in la aqoonsado oo lala xisaabtamo dadkii weerarka ka dambeeyay.
Sidoo kale , guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika ee AUC-da Maxamoud Cali Youssouf ayaa cambaareeyay weerarkii ay Israa’iil Talaadadii ka fulisay magaalada Dooxa ee dalka Qatar.
Wuxuu ka digay xiisad dheeraad ah isagoo walaac xooggan ka muujiyay falkaasi kuna micneeyay mid halis sii gelinaya xaaladda nugul ee ka taagan Bariga Dhexe.
Wuxuu sheegay in Midowga Afrika uu ku baaqaya is-xakameyn, qadarinta gobonnimada iyo badbaadinta shacabka.
Guddoomiyaha ayaa xusay in Qatar ay muddo dheer door ku lahayd nabadgalyada, dhexdhexaadinta iyo dibloomaasiyadda sidaasi awgeedna loo baahan yahay in si degdeg ah loo cusbooneysiiyo wada xaajoodyada lagu haleelaya nabad waarta oo ka dhaqangasha gobolka.