Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistan Shehbaz Sharif ayaa safar ku tagay caasimadda dalka Qatar ee Dooxa si uu garab istaag ugu muujiyo dowladda waddankaasi ka dib weerarkii Israa’iil.
Waxaa sidoo kale halkaasi gaaray mas’uliyiin matalaya Kuwait, Jordan iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ee UAE.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Pakistan ayaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu la kulmi doono Amiirka Qatar Sheekh Tamim Bin Hamad Al-Thani si uu taageero ugu muujiyo .
Sidoo kale , waxaa la filayaa inuu galinka dambe ee maanta uu Dooxa tago dhaxalsugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamad Bin Salmaan.