Qaar ka mid ah dadweynaha ku nool ismaamulka Kericho ayaa sheegay in heerka musuqmaasuqa ee ka jiro dalka uu kordhay.
Waxay doonayaan in miisaaniyadda dhaqaale loo kordhiyo guddiga anshaxa iyo la dagaallanka musuqmaasuqa ee EACC-da.
Sidoo kale , waxay soo jeedinayaan in shaqaalaha dowladda loo sameeyo wacyi gelin ku aaddan saameynta falalka wax isdabamarinta iyo sida ay dalka ugu horseedayaan dib u dhac.
Dadweynaha ayaa ku taliyay in manhajka waxbarashada ee dalka lagu soo kordhiyo qayb ku saabsan la dagaallanka falalka wax isdaba marinta.