Waxaa uu qorshuhu yahay in 10-ka bisha Tobnaad ee Oktoobar ee sanadkan uu qabsoomo shirka ergada qaran ee xisbiga Wiper Patriotic Front.
Xoghayaha Guud ee Wiper , Shakila Abdalla ayaa sidatan sheegtay.
Waxay hoosta ka xarriiqday in qodobbada laga arrinsan doono ay ka mid yihiin kuwa maamulka ee xisbiga iyo jahada istaraatiijiga ah.
Magaca xisbigan oo horay ahaa Wiper Democratic Movement (W.D.M) ayaa bishii hore loo beddelay Wiper Patriotic Front (W.P.F) iyadoo lagu saleynaya habraacyada xeerka xisbiyada siyaasadeed ee dalka.
Madaxa Wiper, Kalonzo Musyoka ayaa arrintaasi u aaneeyay in ay sharfayaan dhallinyaradii ku nafwaayay dibadbaxyadii ka dhanka ahaa hindise sharciyeedkii maaliyadda ee sanadkii 2024-tii.