Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa uu sare u qaadaya xiriirka dowladeed ee kala dhexeeya waddamada kale ee caalamka.
Wuxuu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada tani laga leeyahay ay tahay in la ballaariyo ganacsiga iyo maalgashiga..
Sidoo kale , wuxuu tilmaamay in waddamada ay ka wada shaqeynayaan la tacaalidda caqabadaha soo kordho si loo wada guulaysto.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli uu madaxtooyada State House ee magaalada Nairobi uu warqadaha aqoonsiga danjirennimo kaga guddoomay safiirrada cusub ee dalalka Algeria, Hungary, Norway ,Ukraine, Mexico, Masar, Slovenia iyo Uzbekistan.